X

Sarkaal gacan u qaaday xaaskiisii hore oo jeelka loo taxaabay

Sarkaal gacan u qaaday xaaskiisii hore ayaa jeelka loo taxaabay. Sida ay sheegeen saraakiisha booliiska ee jeelka u taxaabay sarkaalkan iyaga ka tirsan ee lagu magacaabo Yuusuf Xundubeey ayaa ku kacay fal foolxun.

Yuusuf Xundubeey waxaa uu ka soo muuqday muuqaal la soo geliyay baraha bulshada isaga oo gacan u qaadaya gabar iyaduna ay duubeyso muuqaalka. ”Waxaad is weydiin kartaa hadda cadaymo ayaa la hayaa kahor maxaa dhici jirey ayuu yiri sarkaal u Hadley booliiska.


Sida la xaqiijay sarkaalkan xaaskiisii hore u dhashay gabadh iyo isaga inay dhexmartey hadalo inta badan ku saabsanaa maareynta gabadhiisa, wuxuuse ku kacay fal foolxun oo gacan qaada.


“Wasaaradda Amniga waxay soo xirtay Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaliyeed oo fal foolxun kula kacay Gabar Soomaliyeed oo ahayd xaaskiisi hore Xaafada Shibis. Marnaba looma dul qaadan doono in Ciidamadu ku xadgudbaan sharafta iyo xuquuqda muwaadinka Soomaliyeed”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga.


Xidhida sarkaalkan ayaa aad loogu farxay iyadoo dhinac ay muujinayso in nin shaadh dawladeed xiran uu ku takrifalo shaadhkaas iyo dhinaca in fariin loo diro raga caadeystay inay gacan u qaadaan xaasaskooda oo diinta ka baxsan.

Sawirka hoose sarkaal Yuusuf

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.