Iyadoo weli xiisad siyaasadeed oo kacsan ay ka jirto dhinacaasi iyo Gobolka Sanaag islamarkaana ay ku dagaalamayaan Deegaanada qaar Maamulka Somaliland iyo Puntland ayaa hadana waxa kusoo biiray Maamulka Khaatumo State.
Abshir Cabdicasiis oo ah Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Ee Khaatumo State oo kusugan Buuhoodle ayaa wareysi uu siiyey Idaacad ku taalla Muqdisho waxa uu ka hadlay doorkooda Gobolkaasi iyo Dagaalka socda siday u arkaan.
Waxa ay Khaatumo State ayaa sheegtay in deegaanada hadda lagu dagaalamayo aysan aheyn meelaha iyaga hoosyimaadaan waxaase afka ay ku taageereen maamulka Puntland.
Abshir Cabdicasiis ayaa Soomaaliland ku sheegay kuwo shisheeyaha ushaqeeya dadka Soomaaliyeedna ay u arkaan kuwo cadow ah sidaa awgeedna ay dagaal kala hor imaan doonaan hadii la isku dayo deegaanadooda hadii lagu soo xad gudbo.
Maamulka Khaatumo ayaa waxay ku goodisey in deegaanadeeda hadii doorashado la isku dayo ay tallaabo ka qaadayaan islamarkaana Degmada Laas caanood ay ku duulaan bixi doonaan dhawaan sidii ay ufuran lahaayeen oo hadda xoog looga heysto maamulkooda.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay