November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Khabiir muhiima oo ku jiray dacwada badda oo geeriyooday

Dawlada Somaliya ayaa tacsi ka dirtey Allaha u naxariistee marxuun Maxamed Cumar Saalixi oo ahaa khabiir muhiima safka horena kaga jirey dacwada badda. Khabiirkan ayaa ahaa mid looga dambeeyay xad badeedyada.



Injneer Maxamed Cumar ayaa ahaa la taliyaha dhinaca xuduud badeedka ee madaxtooyada Somaliya. Wuxuuna dhamaan xafidsanaa mackluumadka badda Somaliya.

“Laf-dhabar ayuu u ahaa dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kiiniya”, isla markaana dalkiisa ugu soo shaqeeyay si hagar la’aan ah ayuu yiri raiisal wasaare ku xigeenka Somaliya.



Dacwada badda ayaa la filayaa in go’aan laga soo saaro dhawaan maadaama Kiiniya ay diidey inay ka qayb gasho ayadoo og inayna haysan arin ay meesha la tagto.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS