X

Khabiir Ruusha oo qaba si fudud oo looga bogsan karo hargabka Karoona

Waxa aduunka Yurub inteeda badan lagu jiraa xilli qaboobe ahna xilliga ay kacsan yihiin noocyada kala duwan ee hargabka. Waxa muddo hal sano ahba jirey hargabka Karoona oo ah hargab markuu xumaado ku dhaca sambabada waana xilliga aad u baahan tahay hawo nadiifa.


Haddaba khabiirkan Ruushka ayaa qaba daaqada oo la furo iyo qolkaaga oo aad nadiifsato inay kuu sahli karto inaad si degdega uga kacdo. ”Fur daaqada qolkaaga oo xilliyada qaboobaha la xiro nadafada qolkana hagaaji ayuu yiri khabiirku.

”Nafo nadiifa oo badan oo aad hesho waxay fududeyn kartaa in qofku ka kaco hargabka Karoona ayuu raaciyay maadaama hawada wasakhda ah ay u nugushahay keenista caabuqyada oo dhan.


”Hargabka Karoona wuxuu weeraraa dhuunta hawada marka waa muhiim inaad hesho hawo nadiifa si ka bogsashadu u degdegto. Maaha Khabiirkii ugu horeeyay ee qaba fikirkaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.