X

Khabiirada cilmiga xidigaha oo leh ciidu waa Axada maxayse cuskadeen

Khabiirada cilmiga xidigaha ee Masar ayaa qaba in ciidu noqonayso maalinta Axada. ” Way adag tahay in la arko dayaxa maalinta beri ah ee Jimcaha bisha Ramadaana tahay 29 ayay yiraaheen khubaradaas.


Waxa ku raacay kuwo iyaguna jooga Sucuudiga oo sheegay in dayaxu ka hor dhacayo cadceeda taasina ka dhigeyso in aan la arkin karin dayaxa maalinta beri ah.


Sidaasna soonka la buuxinayo Axaduna tahay maalinta koowaad ee ciida. Wadamo badan oo Islaama ayaa iyaguna raadin doono bisha maalinta beri ah ee Jimcaha.

”Qiyaasta aan xisaabinay waxa ay sheegaysaa in cadceedu dhacayso 6:39 halka dayaxuna dhacayo 6:26 oo dhigan in dayaxu kahor dhacayo 13 daqiiqo ayuu yiri khabiir jooga Sucuudiga.


Wadamo badan oo Muslimiintu degan yihiin ayaa iyaguna sheegay in Axadu tahay maalinta koowaad ee ciida. Si kastaba ha ahaatee waxa la sugaa beri in la arko bisha iyo in kale.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.