X

Sidee salaada ciida loogu tukadaa guryaha haddii masjidku kaa xidhan yahay

Ciidul fitri waa ciidaha ugu waaweyn ee Muslimiintu leedahay waxayna weliba can ku tahay waxa laga soo baxay bil barakaysan oo ah bisha Ramadaan. Muslimiinta caalamka aya si weyn ugu dabaaldega ciidan.


Haddaba sanadkan waxa wadamada aduunka badankooda ka dilaacay cudurka Kooro, waxana la soo rogey amaro lagu yaraynayo inuu sii faafo, waxana ka mida in goobaha cibaadada la xidho.

Ma jirin wadamada Muslimiinta badankooda in masaajida lagu tukadey salaadaha faradka iyo kuwa taraawiixda ee bishan barakaysan ee Ramadaan lagu yaqaanay.


Haddaba waxaad is weydiin kartaa sidee salaada ciida loogu tukan karaa gurigaaga maxayse kaga duwan tahay salaada ciida ee aad ku tukado masjidka.

Aan ku horeyno Salaada ciida ee masjidka lagu tukado

Waxa la akhriyaa Khudbad salaada kahor ama kadambo kadibna waxa la tukadaa salaada ciida oo ka kooban laba rakacadood iyo 12 takbeer (Allaahu Akbar).


Salaada ciida ee lagu tukado guriga

Ma jirto khudbad la akhriyo inta kale waxay la mid tahay salaada lagu tukado masjidka. Waxa guriga aad ku tukan kartaa keligaa ama waxaad la tukan kartaa qoyskaaga jamac ahaan.

Wadamada qaar ayaa salaada ciida baraya dadkooda sida loogu tukado guryaha qaasatan takbeerta (Allaahu Akbar) oo 7 mar la yidhaa inta aan faataxada la akhrin rakcada koowaad halka rakcada labaad la akhriyo 5 mar faataxada kahor.

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.