X

Khasaaraha ka dhashay miino argagixisadu aastey oo sii kordhey

Wararka ka imaanaya deegaanka Galoolay oo ah duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in miino la kacday dad shacaba uu hadda sii kordhey khasaaraha.


Dadkan shacabka ah ee dhiigmiiratadu miinada u aastey ayaa ka yimi Muqdisho una socday duleedkeeda. Afhayeen u hadlay deegaan =ka oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in hadda dhimashadu gaartey 17 qof halka dhaawaca uu gaarayo 2.


”Waxa ka badbaaday 2 qof waxaanan hadda gurayna meydka dadkii ku shahiiday ayuu yiri afhayeen u hadlay. Ciidanka xooga oo iyagu goobta gaaray ayaa sheegay inay qaadeen meydka qaar.

Maaha markii ugu horeeyay ee dhiigmiiratadu xasuuqdo dad masaakiina. ”Dhiigmiiratadu qarsooni ayay miinooyinka ugu aasaan dhulka.

C/llahi Warhaye

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.