21/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Khasaare ka dhashay argagixiso rasaas ku furey markab ganacsi oo Somali leedagay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh Hoose ayaa sheegaya in argagixisada shabaab ay rasaas ku fureen markab ganacsi oo u rarnaa Somali. Markabka ayaa maraayay xeebta dhinaca Gendershe iyo Marka xilliga argagixisada rasaasta ku fureen.



Afhayeen u hadley markabka argagixisadu weerartay ayaa sheegay inay dileen wadaha markabka halka laba shaqaale ah ay dhaawac yihiin.



Markabka ayaa ugu dambeyn ku soo xirtey dekedda magaalada Marka, halkaas oo laga dejay alaabtii saarneyd.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS