MuqdishoâFowdada iyo akhlaaqad xumada ciidanka dawlada waxaad aragtaa in ay xabad iska ridayaan xataa haddii ay qof is af dhaafaan. Khasaare dhimasho ayaa laga soo sheegayaa kadib markii askari joogey suuq dhexdii uu rasaas iska furay.
Mid kamid ah ganacsatada Suuqaasi ku sugan ayaa noo sheegay in xabad ka dhacday qori uu watay askari katirsan Ciidanka dowlada ay sababtay dhaawacyo kala duwan oo soo gaaray shan qof oo ku sugnaa Suuqa.
Dadka dhaawacyada ay kasoo gaartay xabada uu riday askari katirsan ciidanka Dowlada ayaa loola cararay isbitaalo kuyaala Magaalada Muqdisho , waxaana goobtaasi ka dhacday kala carar sababay in ganacsiga suuqaasi uu xirmo daqiiqado kooban.
Wali lama oga in xabada ka dhacday askariga katirsan ciidanka Dowlada uu kutala gal u riday iyo in ay ka fakatay, waxaana la sheegay in mashaqada marka ay dhacday uu goobta isaga tagay askarigaasi katirsan Ciidanka Dowlada.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS