X

Khasaare ka dhashay bambaano argagixisadu ku xirtey gaari

Khasaare ka dhashay bambaano argagixisadu ku xirtey gaari. Gaariga argagixisadu ku xirtey qaraxa ayaa waxa iska lahaa oo watay laba askari oo ka tirsanaa ciidanka xooga. Waxana gaarigu kula qarxay xaafada Hodan.


Qaraxyada lagu xiro gawaadhida ayaa ku soo badanaya Muqdisho ayadoo inta badan ay gawaadhida ku xiraan isla argagixiso ka mida ama ku soo biirtey ciidanka dhexdiisa.

Ciidanka ayaanan ka warheyn khatarta ay ku sugan yihiin oo kaliya ku mashquulsan sidii ay u heli lahaayeen nolol maalmeedkooda.


Qaraxa ka dib Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa gaaray goobta uu falku ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka qaadeen dhaawaca iyo Meydka Askarta.

Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale howlgallo ka bilaabay goobta uu Qaraxu ka dhacay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.