28/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Khatarta ay leedahay dhagaxa saacadaha oo caruurtu haday liqaan guba hunguriga daloolna u yeela

Khatar aad u weyn ayaa looga digey waalidka leh caruurta dhalaanka ah ee ay dhici karto in ay liqaan dhagaxa saacadaha ama ku Jira alaabaha kale ee ay ku ciyaaraan amaba ay ka fujisan karaan musqulaha wadamada qaar.

Dhagaxa saacadaha ama ku Jira alaabaha ayaa gubey kadibna dalool u yeelay ilmoyar oo laba Jira kadib markii aan waalidku ka taxadirin oo dhagaxaas uu ka helay guriga dhexdiisa.

Ilmahaas yar ayaa hadda dhagaxaasi gubey daloolna u yeelay hunguriga wuxuuna ku sigtey in uu qarxiyo xidig halbowle ah oo dhiiga u gudbiya maskaxda taas oo keeni lahay dhimasho toos ah.

Dhaqaatiirta ayaa waalidka uga digey in ay dhagaxa saacadaha amaba ku Jira alaabaha sida kaamarooyinka, furaha gawaadhida iyo alaabooyinka badan ay taxadar gaar ah u yeeshaan kana ilaaliyaan in caruurta kale ku tuuraan aqalka dhexdiisa.

Dhaqtar ku yaala London ayaa hadda sheegay in ay bishiiba daaweeyaan ilmoyar oo dhibaato xoogleh ka soo gaartey cunida dhagaxaas yar oo ku milma hunguriga.

ewa

mui

Ilmaha kore ayaa hadda tuunbo lagu siiyaa cuntada oo dhan kadib markii dhagaxu gubery tuunbada cuntada qaada ee gaarsiisa caloosha.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS