November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Khatarta Facebook iyo hooyo Ingiriisa oo ilmaheeda biyo liqeen intey ku jeeday fariimo dirida facebook oo la xukumay

Waxa gobolka Yorkshire (Yoogsha) ee dalka Ingiriiska lagu helay dambi hooyo ilmaheeda biyo liqeen halka iyaduna ku mashquulsanan fariin dirida facebook iyo teleefano ay kula haasawdo saaxiibkeeda caruurta ka dhalay. Haweenaydan oo 31 jira ayaa hore labadeeda caruura gaadhi u jiiri gaaray mar ay siyaabo kale u mashwuul ahayd.

Xaakimka xukunka ridayay ayaa ka yaabay basarinimadeeda sheegayna in ilaalinta ilmaheeda ay ka dooratay facebook. Haweenayda ayaa qiratay dambiga sheegayna in ay haaseeye ku jirtey.

Dhaqaatiirta fiiriyay ilmaha yar ayaa sheegay in uu quusanaa muddo ka badan daqiiqada markii hooyadii ogaatayna uuba dhintey. Ilmaha laba sano jir ahaa.

Haweenaydan ayaa lagu xukumay afar sano oo xarig iyo haday dhasho caruur dambe oo laga qaado markay dhashaba maadaama ay tahay ayuu yiri qayramasuul.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM