X

Xulafadii Wahaabiyiinta oo kala jabay kadib guuldaro iyo Imaaraadka oo Yaman ka cararay

Imaaraadka oo ay la soo deristay cabsi iyo guuldaro foolxun ayaa askarta Somalida u badan ee uga dagaalamaysay Yaman kala baxay. Fashilka dagaalka ay kula jireen Yaman oo dal fiqiira ah ayaa timi markii Maraykanku hanjabaad buga u direy Iiraan.


Wahaabiyiinta Imaaraadka ayaa laf-dhabar u ahaa dagaalka Yaman ay kula jireen Xuutiyiinta iyo askarta Yaman haddase waxa haray keliya calooshood u shaqaysteyaal uu Sucuudiga ka keenay Afrika.

”Imaaraadku si qarsoodiya ay hubkii qaaliga ahaa ula baxeen ayuu yiri sarkaal Cadan jooga oo la shaqaynaayay Imaaraadka. Hadda booskoodii waxa biuuxiyay Afrikan Sucuudigu keenay ayuu raaciyay.

Jabka ku dhacay Imaaraadka ayaa imaanaysa ayadoo ay guul ka gaari waayen dagaalka isla markaana looga cuney balaayiin doolar oo ay hub ku soo iibsadeen.


Wahaabiga weyn ee Sucuudiga ayaa hubka ugu badan lagu dhacay oo balaayiin doolar Taram iyo Obaama kaga cuneen ilaa haddana dhaafi waayay Xudeyda.

” Mar haddii Imaaraadkii hulaalay waxa u soo hoyatey guul daro weyn, meel ay Xuutiyiinta kala heshiiyaana ma jirto waxa u furan kaliya inay is dhiibaan ayuu yiri Xuseen Warsame.


Xuutiyiinta lagama saari karo caasimada iska dhaaf magaalo kalee, Cadana waxay uga soo baxeen duqeyn ay Yuhuuda iyo Maraykanku raaxada uga qaadeen.

Imaarada Dubey ayaa ka qaylidey kharashka ku baxay dagaalka guusha laga gaarin xilli Maraykanku ka qayliyeen dhaqanada ka dhanka ah bani aadamka oo Imaaraadku kula kacay Yamanida.

Tan ugu xun ayaa ah in loo been guurey oo la geliyay markii hore haddana ay uga baxeen Maraykankii iyo Yuhuuda dabada ka riixayay ayuu yiri Xuseen Warsame.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.