X

Kiiniya faraha makala bixi doontaa arimaha gudaha ee dalka iyo kaalinta Qadar

Waxa dawlada Somaliya sheegtay inay dib u soo celisay xiriirkii ay la lahayd Kiniya kadib markii ay Kiiniya sheegtay inay faraha kala baxayso arimaha siyaasada ee gudaha dalka. ”Yugaandha iyo Burundi waxay joogaan Muqdisho laakiin ma farogeliyaan arimaha gudaha dalka laakiin Kiiniya waxay keensatay Axmed Madoobe oo deegaanka shaqo ku lahayn ayuu yiri Cali Calasow.


”Anigu ma aaminsani in Kiiniya marnaba faraha kala bixi doonto siyaasada arimaha gudaha ee dalka waayo waxay joogtaa Kismaayo oo ay ka samaysaa waxay rabto ayuu yiri Xuseen Warsame.

Gaalada XALANE

Xiriirka ay Somaliya u jartey Kiiniya waxa aad uga xanaaqay Ingiriiska iyo Maraykanka oo xiriir fiican la leh Kiiniya haddana u dhisaya derbiga dhulboobka, waxayna ka mid ahayd waxayaabihii ay ku diideen uguna hanjabeen dawladeena haddii ayna ka noqonin go’aanka barlamaanka ay ku soo rogi doonaan cunaqabatayn.


Soo celinta xiriirka Kiiniya iyo Somaliya ayaa labada wadanba sheegeen inay dabada ka riixayeen waxa safiirka Qadar u qaabilsan arimaha argagixisada iyo colaadaha oo socdaal ku yimi dalka haddana la kulmay madaxweynaha Kiiniya iyo madaxda qaranka ee Somaliya.

Somaliya oo ka hadashay xiriirka ay la soo ceshatay Kiiniya ayaa sheegtay inuu yahay mid ku dhisan is ixtiraam, is qadarin iyo mid ka fog farogelinta arimaha gudaha ee dalka. Kiiniya ayaa ka dhex hadli jirtey ninka ay Kismaayo ku hayso ee Axmed Madoobe oo isagu ciyaari jirey kaadhka qabyaalada.


Si kastaba ha ahaatee xiriir soo celintan kuma jirto in qaadkeeda la fasaxay, waxana la ogan doonaa inay wadada saxda qaaday bilaha soo socda oo ay kow ka tahay doorashada dalka.

Dawlada madaxweyne Farmaajo ayay guul siyaasadeed u tahay waxayna ka dhigan tahay inaan laadi karno cidii aan qadarin noo hayn.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.