X

Booliiska Giriiga oo ka hadlay dhimashada tahriibe Somali ah oo xero ku jira

Booliiska jasiirada Jiyos ee dalkaasi Giriiga ayaa ka hadlay dhimashada muwaadin Soomaali ah oo isla Soomaali kale heleen meydkiisa kadibna wargeliyeen booliiska. Muwaadinkan ayaa lagu sheegay da’diisa 27 jir.


Baaritaan kooban oo booliisku sameeyeen ayay ku sheegeen inuu meyd ahaa 10 ilaa 12 saacadood ayna ka muuqdaan laba nabar oo loo malaynayo in jiir ka cunay.

”Laba dhaawac ayaa ku yaala midi waa dhegta midna waa gacanta waxaana loo badinayaa inuu jiir cunay. Dhaqtarka booliisku keenay ma sheegin in jiirku diley iyo in kale.


”Ma filayno inuu dagaal galay inta aan hadda arkayno laakiin waan baarayna jirkiisa si aan u ogaano waxa diley waxa uu yahay ayuu yiri booliiska.

Tahriibeyaal badan oo Soomaali oo ka yimi Yurub ayaa ku sugan jasiiradaha Giriiga ee teedsan badda.

Rashiid ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.