X

Kiiniya iyo Somaliya oo arin isku raacay

Wadamada Kiiniya iyo Somaliya ayaa markii ugu horeysay isku afgartey kadib daandaansi Kiiniya ay in muddo ahba ka waday xuduuda Somaliya iyo weliba isku dirka Somalida dhexdeeda.



Daraad ayay ahayd markii diyaarad Kiiniya ka diiwaan gashan ay ku dhacdey duleedka Bardaale. Diyaarada ayaa maciishad ka keentay Baydhaba una wada Bardaale, waxay dhacdey waxyar kahor inta ayna degin.

Madaxweynaha Somaliya ayaa tacsi u direy dalka Kiiniya waxana labada dal isla soo qaadeen in arinta diyaarada dhacdey loo saaro baaritaan ay ka qayb galaan qaramada midoobey iyo midowga Afrika.



Midowga Afrika ayaan awood u lahayn inay ogaadaan kiisas noocana, waxana hawsha inta badan galaya qaramada midoobey oo keenaya khubuiro dhinaca shilalka ah.

C/llkaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.