X

Kiiniya oo duqeysay gobolka Gedo iyo wasiirka Rooble si baryo leh uga hadlay

Kiiniya oo ku tababarata hawada Somaliya ayaa duqeymo ka gaysatey gobolka Gedo waxayna burburiyeen xarumo ay leeyihiin shirkada isgaarsiinta ee Hormuud. ”Waan baaraynaa duqeymaha Kiiniya ka gaysatay gobolka Gedo ayuu yiri wasiirka gunti giijiye Rooble u magacowday wasiirka difaaca oo Kiiniya taabacsan.


Kiiniya oo og hawsha ay ka fushatey Muqdisho ayaa ku dhiiratey inay duqeymo gaysato. Ilaa hadda lama soo sheegin inay khasaare nafeed aya gaysatey. ”Kiiniya way ku faraxsan tahay xilligan kala guurka ah waana sida y rabto in muddo ah ayadoo qotatey ceel shidaala ayuu yiri Cali Calasow.

”Amisom ayaan la kaashanaynaa ayuu yiri horgalaha Kiiniya u adeega ee Rooble u magacowday wasiirka difaaca. Waxana muuqata inaan halkaa loo dhaafayn.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.