24/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Kiiniya oo faafisay sawiro ku saabsan Shabaab oo laga helay Kaamirada nin u dhashay dalka Ingiriiska oo Kiiniya lagu dilay

Nayroobi–Dawlada Kiiniya ayaa siidaysay sawiro ku saabsan nin Ingiriisa oo hadda la diley oo laga helay kaamiro uu isagu lahaa. Sawirada ayaa la arkayaa wajiyada argagixisada oo inta badan wajiyada qarsada habeenkiina dadka soo dhexgala.

Sawirada iyo muuqaaladaan waxaa baahiyay Dowladda Kiiniya oo baraha Internetka ku faafisay, waxaana Sawirada ka muuqda Thomas Evans  oo ah Ninka u dhashay dalka Ingiriiska ee Lamu lagu dilay.

Macluumaadkaan laga helay Kaamirada Thomas, ayaa xitaa waxaa ku jira Sawir muujinaya xilliga uu socday dagaalka Lamu oo waxaa muuqaalka laga dhex arkayaa xabad ku dhaceysa Thomas.

Sawirada waxaa ka muuqda Dagaalyahano Ajaanib iyo Somalia isugu jirta oo isku marxabeynaya goob duur ah, lama oga in goobtaasi ay tahay dalka Kiiniya.

Kiiniya ayaa sheegtay weerarkii ka dhacay dalka Lamu inay ku dileen 11- kamid ah dagaalyahano Somalia iyo Ajaanib isugu jirta, labo ka mid ah dadka la dilay ayaa ahaa Ajaanib.

cd so yu ty uc yu

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM