11/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Kiiniya oo gudbisay haweenay Somali ah in ay noqoto madaxa Afrika

Dawlada Kiiniya ayaa gudbisay magaca Wasiirada Arimaha Dibada Eee dalkeeda Amina Maxamad Inay u sharaxan tahay Madaxa Midowga Afrika oo ay hadda ku fadhido haweenayda reer Koonfur Afrika ee Layidhaahdo Nkosazana Dlamini-Zuma.

Aamina Maxamad oo safka hore kaga jirta loolanka ayaa ah aqoonyahnad 29kii sanadood ee ugu dambaysay kasoo shaqaysay caalamka iyo diblomaasiyada Kiiniya, horeyna usoo qabatay wakiilka Qaramada Midoobay Ee Jiniifa.

Musharaxiiinta kasoo kala jeedo dhawr wadan uu ay ka mid yihiin Mokuy oo kasoo jeeda Equatorial Guinea, Abdoulaye Bathily oo kasoo jeeda Senegal iyo ninka reer Botswana Pelonomi Venson-Moitoi.
Amina Maxamad ayaa noqonaysa musharaxii ugu horeeyay ee taariikhda oo kasoo jeeda wadamada bariga afrika oo ku tartamaysa hogaanka Midowga Afrika.

Amina-Maxamed[1]

Amina+Mohamed+px[1]

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS