X

Kiiniya oo hadal wajigabax ku ah Somaliland ka soo saartey xafiis ay ka furanayso Hargeysa

Kiiniya ayaa sheegtay inay qunsuliyado hoos taga safaaradeeda Muqdisho ee dalka Somaliya  sanadkan ka furanayso magaalada Hargeysa ee Somaliland iyo magaalooyin kale oo ka mida Koofurta Somaliya ah.

 Danjiraha Kiiniya u jooga Somaliya, Lucas Tumbo ayaa sheegay inay qunsuliyado ka furanayaan Hargeysa, Garowe, Baydhabo iyo Kismaayo, isagoo xusay in xafiisyadani adeegyo siin doonaan dadka Kiiniyaanka ah ee ku nool magaalooyinkan.

Danjiraha ayaa hadalkan ku sheegay waraysi uu magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya ku siiyay wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya, waxaanu carrabka ku dhuftay inay diiwaan-geliyeen inay Somaliya ku nool yihiin 20,000 oo qof oo Kiiniyaan ah. “Intii aanu halkan [Somaliya] joognay waxaanu diiwaangelin ku samaynay dhammaan Kiiniyaanka jooga meel ayaanay hadda noogu kaydsanyihiin.

Ilaa hadda waxaanu diiwaangelinay 20,000 oo u dhashay Kenya.” ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyay inay hadda samaynayaan website ay ku gurayaan warbixintooda.

Wuxuu danjiraha Kiiniya isagoo ka hadlaya xafiisyada ay furanayaan uu yidhi, “Xafiisyo ayaanu marka la gaadho bisha Julay ka furanaynaa magaalooyinka Hargeysa, Kismaayo, Baydhabo iyo Garowe. Xafiisyadani waxay adeeg caawimo ah siinaan doonaan Kiiniyanka ku nool gobaladaas.”

Wuxuu intaas raaciyay in safaaradda ay Kiiniya ku leedahay Muqdisho loo samaynayo dhisme balaadhan oo uu sheegay danjiruhu inuu hadda gabo-gabo ku dhowyahay.

Hadalkan ka soo yeedhay safiirka Kiiniya ayaa ah mid ay Kenya ku doonayso in xafiis qunsuliyadeed ay ka furato Hargeysa, Somaliland, kaas oo hoos tagi doono safaaradooda Muqdisho islamarkaan la mid ah xafiisyada ay ka furanayaan magaalooyinka kale ee Baydhabo, Garowe iyo Kismaayo oo iyagu ah dalka Somaliya.

Geesta kale wuxuu hadalkan diblomaasiga Kiiniya ku soo beegmayaa iyadoo uu Sabtidii wasiirka arrimaha dibadda  Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, kulan la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Kiiniya.

Qoraal ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee KULMIYE ayaa lagu sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Kiiniya iyo wasiirka khaarajiga Somaliland iyo hoggaamiyaha iyo murashaxa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ay isla garteen in la xoojiyo xidhiidhka Somaliland iyo Kiiniya islamarkaana ay dawladda Kiiniya xafiis ka furato magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland

Maxam,ed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.