Wasaarada Arimaha dibada dalka Kenya ayaa war ka soo saartay Sababtii Ra’iisulwasare Cumar Cabdirashiid iyo wafdigiisa loogu bahadilay garoonka Jomma Kenyatta,Waxayna Saraakiisha Wasaarada Arimaha dibadu sheegeen in Wafdiga Ra’iisulwasare Cumar ay Wasaaradu u agaasintay sidii caadiga ahayd ayna Soo dhawaysay,balse qaladka ugu wayn uu ka yimid dhanka Wafdiga.
“Diyaarada ay la socdeen wafdiga Ra’iisulwasaraha Soomaaliya,waxaa la siiyey digniin casaan ah taas oo loogu sheegay in ay ayna ka dagin garoonka diyaaradha ee JKIA, Maadaama ayna soo marin garoonka diyaaradah ee Magaalada Wajer,waxaan loo sheegay in uuna jirin wax Xidhiidha ah oo ay la soo samaysay garoonka diyaaradaha ee Jomma Kenyatta,qaybta Amaanka garoonkuna ay cadaysay in diyaaradaas ayna wax xidhiidh la lahayn.
Wasaarada Arimaha dibada ayaa keentay Sawirka Warqada ay u direen ra’iisulwasare Cumar Cabdirashiid oo ay ugu sheegeen in diyaaradah uu Saaraa ee keentay dalka Kenya ay ahayd mida keentay qaladka ugu wayn,ayna ka dhago adaygtay in digniin la siiyey oo ah in ayna toos ooga dagi karin garoonka Nairobi.
Wasaarada Arimaha Dibada Kenya ayaa ku andacoonaysa in ay diyaarisay soo dhawaynta Wafdiga ayna qaybta VIP da garoon ku diyaariyeen baabuurta iyo Ciidankii amaankood asugi lahaa.
Xidhiidh aan la Samaynay Xoghaynta Xafiiska Ra’iisulwasare Cumar ayaa naloogu xaqiijiyey in Xafiiska Ra’iisulwasare Cumar xidhiidh laga sameeyey intii uu Muqdisho joogay loona ogolaaday in uu Nayroobi toos ooga dago,taasna ay wafdiga Ra’iisulwasaruhu keeneen Cadaynteeda balse aan dhag loo dhigin arintaas.
C/llaahi WArmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay