November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

UHURU

Kiiniya oo ka jawaabtey ku tumashadii qaranimada maxayse raacisay

Warqad wasaarada arimaha dibedda ee Kiiniya ugu soo jawaabtey foolxumadii ka dhacday casuumadii ay u fidisay maamul jufeed ka tirsan dawlada dhexe ayaa jawaabta u soo qortey sidey iyagu rabeen.



Qoraalka wasaarada ayaa u dhignaa mid danjire Tarsan diidey oo keliya calanka maamul jufeedka Somalilaan oo goobta lagu sharxay ee ayna ahayn ka soo qaybgalka maamul jufeed ka tirsan dawlada dhexe laakiin sheegta inay go’een.



Waxay qaybaha kale ee warqada Kiiniya ku sheegtay inay ka go’an tahay madax banaanida qaranka Somaliyeed oo ay aaminsan tahay inay jirto hal dawlad oo hadda lagu sheego federaal.




Hoos ka eeg warqada oo Af-Ingiriis ku qoran (hal mar tuuji si qoraalka hoose kuugu weynaado)

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS