Warbixin ay qortey hay’ad caalami ah ayaa Kiiniya ka dhigtey wadamada ugu weyn ee wax ka gaysta hawlaha qaramada midoobey kana lacageystay. Wadamada si aadka ah uga lacageystay burburka wadamada kale ayaa waxa ugu horeeya Maraykanka iyo Yurubta kale.
Laakiin warbixin dhawaan la daabacay ayaa Kiiniya iyo Itoobiya ka dhigeysa wadamada lacag badan ay ka soo gasho burburka dalka Somaliya.
Waxa ugu yar ayaa ah in koronto loo hagaajiyo huteelada casriga ah eeĀ Muqdisho iyo kuwa Hargeysa maadaama ayna jirin Somali shaqadaas qaban karta.
Qoxootiga jooga Kiiniya ayaa waxa Kiiniya ka soo gala bilyano doolar kuwaas oo ay u badan yihiin daawooyinka oo laga iibsado, gawaadhida xamuulka oo shaqooyin badan laga helay, cuntada Kiiniya soo saarto oo si aada qaramada midoobey u iibsato iyadoo iska indhatiraysa kuwa Somalidu soo saarto.
Waxa kale oo xoog ay uga lacageysteen kaydinta mucaawinooyinka, dhismaha iyo dayactirka guud ahaan, iyo saadka.
Lacagahaas o badankooda lagu soo qaado magaca Somaliya waxay ku jirtaa kaalinta tobnaad wadamada ka faaiidey burburka Somaliya.
Wadamada Ingiriiska, iyo Lubnaan ayaa iyaguna ku jira wadamada hay’adahoodu ku dhifteen bilyanada doolar ee ay ka dhisteen xarumo waaweyn iyo dhismayaal casriya oo ku yaal wadamadaas.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay