X

Kiiniya oo ka qaylidey go’aanka dawlada Somaliya ee garoonka Kismaayo

Dhawaan ayay ahayd markii dawlada dhexe ee Somaliya soo saartey go’aan xora oo ku aadan magaalada Kismaayo iyo Dhoobley oo ay jogaan ciidamada Kiiniya ee taageera Axmed Madoobe.

Ciidamadan ayaa dalka soo galay muddo laga jooga 6 sano ayagoo sheeganaya inay Kiiniya ka difaacayaan argagixuisada Shabaab laakiin hadafkoodu ahaa dhul balaarsi iyo saldhigida dhul Somaliyeed.


Waxay wateen Axmed Madoobe oo muddo kahor laga eryay Kismaayo asagoo ka mid ahaa argagixisada Shabaab.

Hadaba go’aanka dawlada side u arkaan

Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in go’aanka dawladda dhexe ee Soomaaliya ku amartay in diyaaradaha tagaya ama ka baxaya Kismaayo iyo Dhoobley maraan Muqdisho ay tahay ujeeddo ka dhan ah dawladda Kiiniya maadaama ciidankeedu joogo halkaas.


Inkastoo Kiiniya ka jawaabtey amarka dawlada ee garoonka Kismaayo, waxa laga filaayay dawlada dhexe ee Somaliya in ay joojiso isticmaalka askarta Kiniiya ee dekedda Kismaayo oo argagixisada ka wada dhoofiyaan dhuxusha.

Ilaa hadda dawlada Kiiniya ayaa ka aamusan amarka dawlada xilli dacwadii badda go’aankeedu yahay bishan aan ku jirno 13-keeda.


Go’aanka dacwada badda

Kiiniya ayaa hore u dalbatey in dawlada dhexe joojiso dacwadaa laakiin kama bixin dacwada, waxayse diyaarsatey diidmo iyo awood ay is bideyso inay ku muquuriso Somaliya.

”Wey ka shalayn doontaa hadday dagaal bilowdo oo isku deydo inay tiraa waxaan goostey Jubbada dhexe ayuu yiri Cali Calasow

Warbixintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.