X

Safarkii madaxweyne Farmaajo ee Jabaan muxuu ku soo dhamaadey

Waxa la soo xirey safarkii madaxweyne Farmaajo ku tagey Jabaan halkaas oo uu ka qayb galay shir uu Jabaanku u qabtey dalalka Afrikaanka. Waxa raiisal wasaaraha Jabaanka la wadayay shirka raiisal wasaaraha Itoobiya Cabi Axmed.


Hadaba shirkaas ayaa waxa ka soo baxay deeqo la sheegay in la siiyay Somaliya. Deeqdaas ayaa lagu sheegay inay tahay ilaa 3o milyan oo lacagta reer Yurub ee loo yaqaan UURO ama Eero.

Lacagtaas ayaa waxa la sheegay in wax looga qabanayo Berbera iyo Muqdisho. Hadaba Xuseen Warsame oo Hargeysa jooga ayaa tilmaamaya in socdaalkaasi ahaa kii ugu liitey ee madaxweynuhu tago.


Ugu horeyn deeq kasta maaha in la geeyo Muqdisho halka Berbera ay maalgeshi ka heshay Imaaraadka oo aan la tashan dawladiisa. Haddii lacagtaas la helo waxay ku baxaysaa laba meelood oo u baahneyn.

Markaa waxaan ku koobi lahaa warbixintan gaaban waa socdaal qasaarey ayna muhiim tahay in lacagaha la helo lagu bixiyo meelaha u baahan.


Madaxweynaha ayaa qorsheynaya inuu socdaal kale ku tago qaramada midoobey taasna waa socdaal kale oo qasaare ah oo loo baahan yahay lacagta ku baxaysa wax loogu qabto masaakiinta.

Warbixintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.