X

Kiiniya oo ka qaylidey safiirka laga eryay diideyna inay faraha kala baxdo arimaha dalkeena

Kadib markii dawlada Somaliya eriday safiirkii Kiiniya u joogey Muqdisho ayaa Kiiniya sheegtay in eedaymaha loo soo jeediyay ayna waxba ka jirin. Doorashada dalka ayaa waxa ku heshiiyay horjoogeyaasha maamul jufeedyada iyo dawlada dhexe kadib madaxweyne Farmaajo sameeyay tanaasul.


Diidmada heshiisyadii hore ee dhexmaray maamul jufeedyada iyo dawlada dhexe ayaa ka baxay mamul ufeedyada Jubba oo Kiiniya wadato iyo Siciid Deni oo Maraykanka iyo Carabtu wadato, waxana lagu qasbey Farmaajo inuu tanaasulo markii loo wada heshiiyay.

Kiiniya ayaa walaac xoogan ka muujisay heshiiskii dhexmaray maamul jufeedyada uu Axmed Madoobe ku jiro iyo dawlada dhexe taas oo barlamaanku ansixiyay, waxayna ogtahay in madaxweyne Farmajo soo noqonayo, kadibna waxay u yeertay Axmed Madoobe iyo musharixiinta kale si loo qaadaco wadada doorashada ayuu yiri Cali Calasow.


”Waxa si toosa Somaliya u qasaya madaxa qaramada u jooga xarunta Xalane iyo Kiiniya oo isku dhinaca, waxayna garan la’yihiin sidii looga tuuri lahaa xukunka Farmaajo oo soo celiyay rajada awoodeed ee qaranka ayuu yiri Cali Calasow sida hadda oo kale ee uu u eryay safiirka Kiiniya iyo kuwa kalaba.

”Waxaan aad ula jirnaa sida dawladu wax u wado iyo in heshiisyadii lagu qasbey sideeda loo fuliyo, waayo waxa soo dooranaya waa xildhibaano ayuu yiri Daahir Weheliye. Kiiniya oo boodhka isku qarinaysa ayaa sheegtay inaan waxba loo sheegin eryida safiirka.


Ujeedadu waa in doorashada dalka lagu qabto xarunta Xalane oo ay hoostagto gaalada halkaa isku aruursatey taas oo sharaf daro ah waana sida ay rabaan kooxda Amisom ee fadhida Xalane si ay u sii dheeraystaan joogitaankooda.

Kiiniya oo isku dayaysa sidii Farmaajo looga tuuri lahaa xukunka ayaa u maraysa wado kasta si taasi u dhacdo ayuu yiri Cali Calasow waana lala socdaa marka yeyna waxba booodhka isku qarin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.