X

Kiiniya oo kordhisay ciidamada ka jooga Kismaayo

Ciidamada Kiiniya ee haysta qaybo ka mida gobolka Jubadda hoose ayaa kordhiyay tirada ay ku joogaan gobolka ayagoo soo daldalay ciidan  cusub oo aan ku jirin kuwa hadda loo yaqaan ATMIS.


ATMIS ayaan ilaa hadda la garanayn waxa kaalintoodu tahay intii fadhiid Xasan Culusow meesha yimi, waxayna yihiin keliya kuwo si fiican ugu naaxay 12 sanno ee ay joogaan dalka.

Kiiniya ayaa si caadiya u gurata kheyraadka gobolka Jubadda Hoose ayagoo weliba ku haminaya inayna ka bixin. Haddana waxayba ku jiraan xilliga raaxada ugu saraysa maadaama Xasan Culusow u joogo.



Ciidamada dheeraadka ee Kismaayo yimi ayaa loo arkaa inay saldhiga sii adkaysanayso, ayadoo dalka la soo gasha hub nooc kasta. halka dalka uu ku jiro cunaqabatayn ay iyadu ka mid dalalka aan jeclayn in la qaado Somaliya.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.