X

Kiiniya oo ku adkaysatey in doorashada lagu qabto Ceel-Waaq

Horjooge Axmed Madoobe oo Kiiniya ku hayso Kismaayo ayaa sheegay inay doorashada inta hadhan ku qaban doonaan Ceel-waaq oo Kiiniya ay gacanta ku hayso. Waxa maanta teendho laga taagay isla tuulada Ceel-Waaq.


”Kiiniya way ka go’an tahay inay boobto xildhibaanada 16-ka ee gobolka Gedo oo ay ku jiraan qaar ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool ayuu yiri Cali Calasow. Wax soconaysa maaha in heshiiska sidaa loogu cayaaro ayuu raaciyay.


Kuraasta taala magaalada Garbahaaray ayaa loo wadaa in lagu taageero horjooge Siciid Deni oo musharaxa, Kiiniyana waxay ku bixinaysaa kharash aad u farabadan ayuu qabaa Xirsi Warfaa. Waa sheeko mar hore soo socotey.



Maamulka gobolka Gedo ayaa wacad ku maray in doorasho xora ay qaban doonaan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.