X

Amisom oo lagu eedeeyay inay qayb ku lahayd weerar ka dhacay Muqdisho

Waxa maanta casarkii kadib weerar lagu qaaday qayb  ka mida garoonka Muqdisho ayadoo booliisku shegay inay weerarkaa gaysteen laba dhalinyaro ah oo ku hubaysnaa bambo gacmeed iyo qori AK47 ah.


Waxa la xaqiijay inay weerarkaa ku dhinteen ugu yaraan laba qof oo uu ku jiro askari Somali ah dhaawacn ay yihiin dad shacaba. Weerarkan ayaa lagu eedeeyay inay AMISOM qayb ku lahayd.


”Albaabka weerarka ay ka galeen labada dhalinyarada cidkale ma joogto aan ka ahayn AMISOM ayuu yiri nin u hadlay sirdoonka laakiin magaciisa aan sheegin.



”Waxay u egtahay in weerarkaan loo fudeydiyay kooxda shabaab ujeedaduna tahay ayadoo caalamka loo muujinaya in welli AMISOM loo baahan yahay ayuu raaciyay. Booliiska Somaliya ayaa sheegay in la diley laba dhiigmiirato.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.