Kiiniya ayaa la sheegay in ay bilowdey dhismaha derbi ay ka dhisayso xadka Somaliya. Kiiniya oo ka faaiideysanaysa burburka dalka ka Jira iyo taagdarida ummada Somaliyeed ayaa samaysa waxay rabto.
Nabadoon ku nool magaalada Beledxaawo laguna magacaabo Axmed Geedi Cali oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee degmada ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda Kiiniya ay xuduuda ka bilowday dhismaha darbi kala qaybiya labada dal.
Nabadoon Axmed Geedi Cali oo la hadlay Warbaahinta, ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka ay Kiiniya uga bilowday xuduuda dhismaha darbiga, ay ku dooneyso inay ku kala qaybiso labada dal.
“Markii koowaad xuduuda ayay iska xirteen Ciidamada Kiiniya, iyagoo aan cidina waxba u sheegin, cid kasta oo u tagtana xabad ayay ku soo ridayeen. Markii labaadna waxay iska jeexdeen xuduuda waxayna ka bilaabeen dhismaha darbiga.” Ayuu yiri Nabadoon Axmed Geedi Cali.
Nabadoon Axmed Geedi Cali, ayaa yiri “Shalay galab oo Arbaco ahayd ayaa anagoo odayaal ah ka amba baxnay Degmada Beled Xaawo, waxaana ugu tagnay xadka, Saraakiisha Kiiniyanka ah ee meesha ku sugan waxay inoo sheegeen inay iyagu amar u qabaan in halkaasi laga dhiso darbiga.”
Waxaa kaloo uu yiri “Waxay nagu yiraahdeen ma joojin doono dhismaha darbiga, lamana furaayo xadka, ee wixii arrintaasi ku saabsan kala xiriira Magaalada Nairobi.”
Nabadoon Geedi, ayaa Kenya ku eedeeyay inay wado qorshe ay ku xoojinayso nabadgelyo daradii awalba ka jirtay buu yiri xadka.
Dhaq dhaqaaqii ganacsi ee Beled Xaawo iyo Mandheera, ayaa hakad galay, wixii ka dambeeyay markii ay Isniintii Kenya ciidan xoogan soo dhoobtay xadka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay