07/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Kiiniya oo looga dhawaaqay doorasho cusub oo madaxweyne iyo sababta

Kiiniya ayaa la galayaa doorasho cusub oo madaxweyne kadib doorashadii ka dhacdey bishii hore horaanteedii oo uu ku guulaystey madaxweyne Uhuru oo la joojiyay.

Maxkamada sare ee dalkaasi ayaa ku dhawaaqdey in doorashadii dhacdey bishii hore ay ahayd mid uu yimi wax isdaba maris sidaas awgeedna la galo mid cusub muddo lixdan cisho gudahood ah.



Kiiniya ayaa noqonaysa dawladii uGu horeysay ee Afrikaana oo doorasho lagu kala baxay la joojiyo mid kalana lagu dhawaaqo. Mucaaradka dalkaasi ayaa soo dhaweeyay xukunka maxkamada.



Afar ka mida xaakinada maxkamada ayaa isku raacay in doorasho cusub la galo. Lama sheegin in madaxweyne Uhuru ku qanacsan yahay xukunka maxkamada.`

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS