X

Kiiniya oo luqada bedeshay cayrintii safiirkii Somaliya

Kiiniya ayaa ka hadashay eryida ay eriday safiirkii Somaliya u joogey Nayroobi keediina la soo baxdey iyadoo ka carootey wasaarada batroolka ee Somaliya oo ka qaybgashay bandhiga shirkad aruursatey macluumaadka saliida dalkeena oo ku baayacaysay Ingiriiska.


Masuul ka hawlgala wasaarada arimaha dibedda safiirna Kiiniya uga ahaa qaramada mudoobey ayaa hadal lagu qoslo ku soo qorey bartiisa baraha bulshada.

Mashariya ayaa sheegay inayna eryin safiirka Somaliya ee ay u sheegeen inuu la soo tashado dawladiisa si arinta xal looga gaaro.


Waxase lagu qosley sidee safiir wadan kale loogu oran karaa bax oo la soo tasho dalkaaga ilaa dalka uu ka soo jeedo iyagu u yeertaan safiirkooda lana tashadaan si ikhtiyaara.


Somaliya ayaan ilaa hadda ka jawaabin eryintan Kiiniya ku kacdey io ka dhigin colaad hirleh xilli ay ku sugan tahay dhulkeena kuna soo gashay gardaro, colaad xoogana u qabto Somaliya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.