X

Madaxa Koofur galbeed Laftagareen oo furey qorshaha horumarinta qaranka

Madaxa Koofur galbeed C/casiis Laftagareen ayaa furey qorshaha horumarinta qaranka wejiga koowaad oo ujeedadu tahay in dadku ogaadaan hawlaha lagu gudajiro iyo kuwa la qaban doono mustaqbalka. Waxa la furey madaxa Koofur Galbeed agaasimaha wasaarada qorsheynta qaranka.


“Waxaan halkan joogi doonaa mudo afar maalmood ah innagoo dhageysan doona ururada buslahda rayidka qeybahooda kala duwan,rugta ganacsatada,Hay’adaha dowladda iyo Baarlmaanka, waxaana isla eegi doona Qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalaad”ayuu yari Agaasime Asad Yusuf Qaranyare.


“Waxaan ku faraxsanahay shaqada wanaagsan ee ay wado Wasaaradda Qorsheynta oo muhiimad u leh dalka, waxaan bulshada maamulka Koonfur Galbeed iyo hay’adaha maamaulka ugu baaqayaa in ay la shaqeeyaan wasaaradda si waxyaabaha aan dooneyno wax looga qabto “ayuu yari mudane Laftagareen.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.