X

Kiiniya oo maraakiib dagaal soo dhoobtey baddeena

Kiiniya ayaa soo dhoobtey maraakiib dagaal baddeen ayadoo ay soo dhowdahay go’aanka badda oo ah usbuuca dambe. Maraakiibta badankooda ayaa wararku sheegayaan inay la soo gaareen xulafada Kiiniya sida Ingiriiska iyo Maraykanka.


Kadib fashilkii u dambeeyay ee Kiiniya iyo Ingiriisku kala kulmeen madaxweynaha Somaliya markii uu diidey inuu dacwada ka soo celiyo maxkamada, ayaa Kiiniya diyaarisay sidii ay u dagaalami lahayd.


”Waxay isku halaynaysaa ciidanka u jooga gobolka Jubbada hoose ayuu qabaa Cali Calasow waxana lagula taliyay waa inaad ku dagaalantaa waayo Somaliya awood male ay ku difaacato.


Si kastaba ha ahaatee xilliga lagu dhawaaqayo go’aanka ayaan Somaliya ayna ka dhisnayn dawlad waxana lagu jiraa doorasho ku socota si aad u tacbaana maadaama ninkii loogu talogalay uu kooxda Xalane kula baratamayo Muqdisho.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.