X

Kiiniya oo markale ciyaaraysa kaadhka dib u dhiga doorashada

Kiiniya ayaa markale ciyaaraysa kaadhka dib u dhiga doorashada waxay horjooge AxmedMadoobe oo ay ku ilaaliso Kismaayo u soo diraysaa Butlaan si loo abuuro carqalad cusub. ”Kiiniya waxay diraysaa Axmed Madoobe ayuu yiri xildhibaan ka tirsan maamulka Kiiniya ee Kismaayo.


”Axmed Madoobe ayaa loo dirayaa Garoowe Axada ama Isniinta inagu soo aadan si looga wadahadlo qorshaha dib u dhiga doorashada oo ah mid cusub oo Kiiniya soo diyaarisay ayuu yiri xildhibaanka qariyay magaciisa.

Ujeedada ayaa ah in la abuuro carqalad cusub weliba dhinaca Gedo ayuu yiri. Waxa Kiiniya rabtaa markay aragtey in madaxweynaha rajadiisu aad u korodhey in cadaadis kale la abuuro.



Kooxda Xalane ayaa la aaminsan yahay inay la socdaan Kiiniya laakiin haddana afka ka sheegaan inay rabaan in doorashada la dedejiyo. ”Waxa qorshaha ku jira in Garbahaaray aan lagu qaban doorashada ayuu raaciyay. Kiiniya welli lacag ku filan ma keenin oo lagu iibsado xildhibaanada ayuu raaciyay.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.