X

Maraykanku ma hubeyn karaa Tigreega

Waxa Maraykanku ku hanjabayaa inuu ciidankiisa diyaar yahay haddii loo baahdo marka su’aasha aad is weydiin karto ayaa ah Maraykanku ma hubeyn karaa Tigreegan uu siiyo kharashka ay ku dagaal galayaan.


”Sida aan wada ognahay xadka Itoobiya la leedahay wadamada jaarka waa adag yahay waxana jooga milatariga dalka marka sida keliya ee uu hub ku gaarsiin karo waa dhuumasho taasina way adag tahay ayuu qabaa Xuseen Warsame.


Haddiise Maraykanku is yidhaa toos u farogeli oo ciidan u soo dir taas lafteeda wuxuu u baahan doonaa wadan uu ka soo galo oo ciidankiisa iyo saadkiisa uu dhigto. Wadankaasna waa Kiiniya iyo Jabuuti siiba Kiiniya.



”Ma filayo in Kiiniya cagaha is goyn doonto oo haddayba dhacdo u ogolaato in saldhiga cirka ee Maraykanku isticmaalo loo adeegsado meel laga qaso amniga dal jaara ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

Marka sida hadda muuqata hadal iyo bug mooyee iyo kharashka oo u siiyo Tigree mooyee uma banaana wax kale oo uu samayn karo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.