Kiiniya ayaa si caadiya u qarxisay in qorshe ay ku timi Muqdisho kaas oo ahaa inay heshiis hoose ay wasiirka koowaad kula soo gashay Ingiriiska. Heshiiskaas oo Ingiriisku damaanad qaade ka ahaa.
”Kiiniya oo wakiilatey Ingiriiska ayaa Maxamed Xuseen Rooble loogu balan qaaday in si shaqsiya loo siiyo cadad lacaga oo aan la sheegin maadaama uuna sharaxneyn isla markaana uu qoyskiisa u laaban doono marka doorashadu dhacdo ayuu yiri Xuseen Warsame.
Heshiiskan oo ku qornaa warqad sida Kiiniya qarxisay ayaa wasiirka koowaad Maxamed Xuseen Rooble uu ogolaadey mar Ingiriisku wada fadhiisiyay isaga iyo Uhuru magaalada London. Ingiriiska ayaa raba inuu qaybtiisa ka qaato saliida ku jirta badda haddii uu ku guulaysto arintan.
Kiiniya ayaa iyaduna sheegtay in bishii hore dhamaadkeedii laysla gartey in ururka midowga Afrika uu dhex dhexaadinta badda galo taas oo ah tan London uu u tagay wasiirka koowaad kuna soo ogolaaday.
Haddaba waxa arintaas boqnaha gooyay wareegtada madaxweyne Farmaajo waana ta xanaajisay wasiirka koowaad oo ay ku qasabtey inuu qoraal ka daba keeno maadaama hadda uu fashilmey.
Ingiriiska iyo Kiiniya ayaa u sheegay Maxamed Xuseen Rooble inuu maro dhinaca qabyaalada haddii caqabad ku timaado inta kalana iyaga u daayo.
Wareegtada madaxweynaha ayaa waxa ka gubtey kooxda Xalane oo aanba filayn. Midowga Afrik ayaa Kiiniya sheegtay inay ogolaadeen dhexdhexaadinta haddii Somaliya la keeno.
Madaxweyne Farmaajo ayaa hore u sheegay in wax kasta loo gaaray haddii uu arintaa badda u si hoose dhameeyo kana soo celiyo maxkamada waase diidey. Kadib kulankii maanta uu wasiirka koowaad la yeeshay wasiirada arimaha dibedda ee Kiiniya ayaa durba looga yeeray Nayroobi.
C/llaahi Warhaye
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay