X

Kiiniya oo qorsheynaysa inay qabsato magaalooyin horleh oo Jubooyinka ah

Kadib burbur xoogan oo ku yimi argagixisada dhiigmiiratada shabaab ayaa Kiiniya olole ugu jirtaa inay isku balaadhiso magaalooyin horleh xilli dawlada Somaliya qorsheynayso inay argagixisada kala wareegto Bu’aale.


Ciidan Kiiniya soo hubeysay gadaalna ka joogto ayaa u soo dhaqaaqay dhinaca Bu’aale waxayna tahay ujeedadu inay qabsato inta dawlada Somaliya soo gaarin caasimada Jubadda dhexe ee Bu’aale oo argagixisadu haystay sanado badan.


”Kiiniya oo Kismaayo xoog ku haysata ayaa rabta inay Axmed Madoobe dhulbalaarsi u samayso si ay u diciifiso maamulka dawlada ee goboladaas ayuu yiri Cali Calasow oo Muqdisho jooga.

Dhawaan ayay ahayd markii dawladu gaysay ciidan horleh gobolka Gedo si amniga loo sugo loogana hortago in argagixisada iyo dawlad diidku is balaariyaan.


”Waxa la sugaa in Kiiniya ku dhaqaaqdo is balaarin ayadoo hubeynaysa Axmed Madoovbe oo la ogyahay tirada ciidan iyo hub ee uu haysto ayuu raaciyay Cali Calasow.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.