X

Beesha Warsangeli oo isku dagaashay Laasqorey

Wararka Ka imaanaya magaalada Laasqorey ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaas dagaal ku dhexmaray ciidamada laba gudoomiye oonka Kala socda maamulka Butlaan iyo mid Ka socda maamulka Somalilaan. Labadan gudoomiye ayaa ka soo jeeda beesha degta magaalada ee Warsangeli.


Wararka ayaa sheegaya in khasaare ka dhashay isku dhacan oo la sheegay in aan hore loo qorsheyn laakiin ay timi markii labaduba halmar wada gaareen Laasqorey.


Waxa dagaalkan ku geeriyooday hal askari halka labs kalana ku dhaawacmeen. Waxa xiisada kala dhexgalay odayada magaalada oo labadaba ku canaantey foolxumada ay magaalada degan Ka sameeyeen.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.