X

Kiiniya oo u yeertay horjooge Muuse Biixi maxaa miiska u saaran Uhuru

Dawlada Somaliya ayaa qorsheynaysay in askarta Kiiniya oo si toosa ula shaqaysa argagixisada dalkana ka dhoofisa dhuxusha iyo kheyraadka dalka ee kaluunka inay ka saarto Kismaayo iyo deeganada kale waxase hakiyay kulano dhexmaray madaxda dawlada iyo Kiiniya.


Haddase Kiiniya waxay la soo baxday siyaasad cunyamin ah iyo mid yasida oo ay kula kacdo shacabka iyo madaxda Somliyed iyadoo si toosa faraha ugula jirto arimaha gudaha ee dalka. Sidas darteed waxa dawladu 7 bilod qaaday weerar ay maleeshiytada Kiiniya taabacsan uga saarayso gobolka GEDO, isla markaana ay soo celito amarka iyo kala dambeynta deegaanadaas.

Waxayna la soo noqotey safiirkeeda ayadoo isla markaana eriday kii Kiiniya u fadhiyay Muqdisho kuna soo rogtey shaqaalaha ciidaa ka badan ee ka xoogsada dalka inay dal-kugal ku yimaadaan dalka.


Kiiniya oo welli yasaysa Somaliya maadaama askarteedu joogto Kismaayo ayaa hadda u yeertay horjooge Muuse Biixi si ay ula tashato, ayadoo fariinta ay direyso ay tahay hadaad moodeyso inaan Kismaayo keliya joogo, waxaan ka taliyaa Hargeysa.

Muuse Biixi ayaa loo sheegi doonaa inuu iibsado qaadka KIINIYA, taas bedelkeedna UHURU u dagaalami doonto sidii maamulkiisa ictiraaf ugu raadin lahaa, si laysugu xiro Kismaayo iyo Hargeysa, aydoo horeyba ajaanibta shaqo beelka ka dhigey dhalinta Hargeysa iyo Burco ay yihiin kuwa Kiinita ka yimaada.


Waxa ilo wareedo ii sheegayaan in sheekada Muuse Biixi loogu yeeray ay kula jiraan dawlada Ingiriiska oo taageero maaliyadeed iyo mid caalamba siisa falaagada gooni goosadka ee aan xataa taageero ka haysan dadka degan Burco iyo Hargeysa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.