11/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Kiiniya oo xasuuq ka gaysatey gobolka Gedo

Diyarado ay leeyihiin Kiiniya ayaa afar caruur ah ku diley duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday tuulada Ilaale oo ku taala xadka Soomaaliya iyo Kiiniya, islamarkaana masaafo dhan 15 km dhanka koonfurta uga beegan degmada Ceelwaaq ee Gobbolka Gedo.

Goobjoogayaal ku suggan deegaanka ay duqeynta ka dhacday ayaa VOA u xaqiijiyey in diyaaradaha duqeynta geystay ay leedahay dowladda Kiiniya.

Afarta caruurta ah ee geeriyootay ayaa kala ahaa 3 wiil iyo gabar, waxaana arrintan ay cabsi xooggan ku abuurtay dadka deegaanka Ilaale.

Diyaaradaha dagaalka ee Kiiniya ee duqeynta ka geystay deegaanka Ilaale ayaa la sheegay inay beegsanayeen argagixisada shabaab kuwaasi oo la sheegay inay ku sugaanaayeen nawaaxiga tuulada Ilaale.

Wararku waxa ay sheegayaan in diyaaradaha dagaalka ee Kiiniya ay baadigoobayaan maleeshiyaadkii ka dambeeyay weerarkii 20-kii bishan lagu dilay shan ka tirsan booliska dowladda Kiiniya kadib weerar jid gal ah oo a dhacay meel u dhow degmada Mandhere ee Waqooyi bari Kya.

Masuulyiinta degmada Ceelwaaq ee Gobbolka Gedo oo ay hoostagto deegaaanka ay duqeynta ka dhacday ayaa xaqiijiyay in duqeynta maanta ay sidoo kale khasaare xooggan ka soo gaadhay xoolo Geel u badan oo ay leeyihiin dadka deegaanka.

Dhinaca kale, hal askari ayaa dhintey mid kalana waa uu dhaawacmay markii qarax bam gacmeed la tuurey ah xaley lagu weeraray saldhig ciidmaada nabad sugida Jubbaland ay ku leeyihiin bartamaha magaalada Kismaayo.

Dadka deegaanka ee ku dhow xarunta qaraxan lala beegsadey ayaa maqley dhawaaqa Bambaaano iyo ciidamada oo rasaas ridey markii dambe.

Xigasho VOA