X

Kiiniya oo sheegtay inay ceel shidaal ka qodatey aaga badeena

Wasiirka Kiiniya arimaha macdanta iyo batroolka ee Kiiniya ayaa sheegay in dalkiisu xoojiyay baadhitaanka saliida dhulka badeena ah ee Koofurta Jubooyinka ahna baddii ay nagu qabsadeen. ”Ceel ayaan qodnay waxaanan sugeynaa natiijada ka soo baxda bisha soo socota ayuu yiri wasiirka.


Haddii uu qalalnaado waan ka tagaynaa ayuu raaciyay wasiirka. Kiiniya ayaa sheegtay inay diiday go’aankii ka soo baxay maxkamada inta ayna go’aanka gaarinba.


Kiiniya ayaa isleh ka gaarsii inta dalku welli qalalaase siyaasadeed ku jiro waxayna qayb ka tahay dib u dhaca doorashada. Gobolka ay maamusho ee Jubooyinka ayaan welli keenin xildhibaanada golaha shacabka.

Hadalka ka soo baxay Kiiniya ayaan welli dawlada Somaliyeed ka jawaabin.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.