11/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Kiisaska cudurka Kooro ee magaalada Muqdisho oo kordhey

Wasiirada caafimadka marwo Fowsiya Abiikar oo ka hadlaysay xaaladihii ugu dambeeyay ee cudurka Kooro ayaa sheegtay in hadda uu sii kordhey oo ay dhinteen 3 qof oo cusub. Taas ayaa tirada guud ka dhigeysa 5 qof.



Waxay kaloo sheegtay in 20 qof oo cusub iyagana laga helay cudurka Kooro taas oo tirade guud ee dadka uu hayo iyo kuwo looga shikisan yahay ka dhigeysa 80 dalkoo dhan.




Wasiirada ayaa markale ku celisay in qofkii calaamado isku arko uu isku xiro meel gooniya kana dhex baxo dadka intooda kale taas oo adag marka la eego guryo la’aanta jirta.

Waxay kaloo ay sheegtay in dadkii guryaha joogi kara ay joogaan, lagana fogaado dadka da’da ee u nugul xanunka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS