X

Kismaayo iyo Muqdisho oo lagu furi doono ciyaaraha maamul goboleedyada

Kismaayo iyo Muqdisho ayaa lagu furi doono ciyaarta maamul goboleedyada. Tartankan maanta furmaya ayaa waxa la filayaa inuu socdo 8-da ilaa 22-ka bishan 12-naad.

Labadan xul ee galabta lagu daah furayo Tartanka ayaa waxa ay saacadihii la soo dhaafay sameeyeen diyaar garowgoodii ugu dambeeyay inta aan la afuufin siidhiga.



Amniga ka jira magaalada Muqdisho ayaa suurtageliyay in ciyaarahan isdhexgalka dhalinyarada ay ka furmaan ayadoo dadkii hore soo xasuusanayaan noloshii jirtey.

Ka hor inta aysan ciyaarahan bilaaban ayaa dhammaan Madaxda maamulada dalka ka jira ee ka qeyb galaya Tartanka waxa ay dhiiragelin iyo bogaadin u sameeyaan ciyaartoyda Tartankan ka qeyb galeysa.



Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa dhamaan cayaartoydka Tartankan ka qeyb galeysa ka dalbatay in ay soo bandhigaan ciyaar wanaag, ay ka heli karaan Daawadayaasha.

Bishii July ee sanadkii 2016-kii ayaa Tartankaii Dowlad Goboleedyada ee lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ku guuleystay xulka Puntland, kadib markii ciyaarta kama dambeysta ay ka adkaadeen Jubba.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.