X

Kismaayo oo lagu soo bandhigey haweenay soo xaday ilmo yar xilli ay soo badanayaan

Waxa magaalada Kismaayo ee Jubada hoose lagu soo bandhigey haweenay soo xaday ilmo yar oo waalidkood raadinaayay. Haweenaydan ayaa ka tirsanayd shabakad gurata caruurta yaryar kadibna lacago ka sameeya.

Arimaha noocana ayaa ku so badanaya Koofurta dalka inkastoo aan la sheegin inay kas jiraan Woqooyiga dalka ilaa hadda, Maaha markii ugu horeysay ee la qabto dad ku jira ka ganacsiga caruurta.


“Haweenayda markii aan waraysanay waxay inoo sheegtay in cunuga la rabay in laga ganacsado isla markaana loo balan qaaday in la siinayo 5 kun oo dollar” ayuu yiri Gashaanle Warsame Axmed oo intaas ku daray in ilmihii yaraa ee la soo xaday lagu wareejiyey waalidkii dhalay.

Haweenaydan oo magaceeda lagu sheegay Samiira Xasan Maxamuud oo Booliska baaritaano ku sameyeen ayaa sheegtay inay ka tirsaneyd Shabakad ka Ganacsada Carruurta yar yar, waxaana lala soo xiray haweeney kale oo ay sheegtay iney gacan ku siisay falkaas.


”Gabadhan ayaa igu tiri ilmaha qaad, waxayna ii tilmaantay meel hadii aan geeyo la iiga iibsanayo 5 kun oo dollar, markii aan geeyey halkii lagu balamayna 2 dollar ayaa la ii tuuray” ayey tiri Samiira.

Haweeneyda kale ee la yiraa Shamso ayaa beenisay hadalka Samiira, iyadoo sheegtay ineysan wax ku laheyn arrintan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.