X

Koobka ciyaaraha reer Yurub 2016 oo maanta ka furmaya Faransiiska

Koobka ciyaaraha reer Yurub 2016 ayaa maanta ka furmaya caasimada Faransiiska ee Paris halkaas oo ay ku wada ciyaari doonaan Faransiiska oo martigelinaya iyo Romaniya oo rabta in ay ciil ku disho Faransiska halkaasna ku garaacdo.

Faransiiska ayaa waxa haysata dhibaato dhinaca weerarka iyadoo tababaraha kooxda uu xulka ka reebay rag Muslimiina oo aad u laaciba laguna eedeeyay in uu sameeyay midab kala sooc. Xulka Faransiska ayaan ahayn mid sidaa u adag waxase caawinaysa in dalkooda lagu qabanayo.

Dhinaca kale Romaniya oo ku jira midowga reer Yurub ayaa muddo ka maqnaa ciyaaraha oo aan iyagu u soo bixin waxana laga yaabaa in ay xaflada ka qasaan Faransiiska oo isagu aan ciyaar ku iman ama ku so bixin laakiin ku soo baxay maadaama uu martigelinayo.

Faransiiska ayaa markii ugu dambeysay qaadey koobka reer Yurub sanadii 1998 xilligaa oo dalka uu soo maray ciyaaryahano ay ku jiraan Zidane.

Amaanka garoomada iyo guud ahaan Faransiiska ayaa aad loo adkeeyay iyadoo laga baqayo in argagixisadu ka faaiideysato oo ay xasuuq u gaysato dadka shacabka ah. Maanta waxa jirta kaliya hal ciyaar oo ay ku jirto xaflada furitaanka oo bilaabmeysa sideeda saacada Somaliya halka ciyaartu bilaabmayso 10 saacada Somaliya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.