X

Kumanaan ku tukaday salaada janaasada feedhyahankii weynaa ee Maxamed Cali: SAWIRO

Waxa shalay dalkaasi Maraykanka lagu tukadey salaada janaasada feedhyahankii weynaa ee Maxamed Cali iyadoo la filayo in manta oo Jimce ah gelinta dambe laugu aaso magaalada Lousville halkaas oo kumanaan dad ah ay camireen oo ay ku jiraan Somali farabadan.

Madaxda aduunka ee ka qaybgalay janaasada waxa ku jirey madaxweynaha Turkiga, iyo kan Urdun iyadoo Obama isagu ka muquurtey kuna marmarsiiyoodey in laguy dhex arko Muslimiinta xillli uu xisbigiisu dagaal kula jiro cunsuriga weyn laakiin kolba isbedelaya ee Trump.

Sawirada hoose waxa ku jira Maxamed Cali oo dhalinyaro iyo halka lagu aasi doono iyo muslimiin iyo dad aan Muslimiin ahayn oo aan u kala harin janaasadii lagu tukudey.

Sawirkan sare waa halka lagu aasi doono maanta oo Jimce xilliga Maraykanka

Rashiid Ceelaanyo oo idin soo uruuriyay sawirada kore

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.