November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Koobka kubada cagta aduunka ee gabdhaha oo manta ka furmaya Kanada yaase kulmaya caawa

Canada–Koobka kubada cagta aduunka ee gabdhaha ayaa maanta galinka dambe ka furmaya Kanada halkaas oo ay ku tartami doonaan 20 kooxood oo ay ku jiraan laba ka yimi Afrika. Waxa la rajaynayaa in ay daawadaan im ka badan hal bilyan oo dad. Jabaan ayaa qaaday afar sano ka hor waxana ka mida wadamada laga baqo wadamada Maraykanka iyo Jarmalka.

Ciyaarta hore waxa furaya wadamada Kanada iyo Shiinaha oo isku dhinaca iyo waliba wadamada New Zealand iyo Netherland.

Halka beri ay wada ciyaari doonaan gabdhaha Norwey iyo Thailand iyo Jarmalka iyo Ivory Coast. Maalinta Isniinta waxa wada ciyaari doona gabdhaha wadamada Cameroon v Ecador iyo Japan v Swiss.

Ciyaaraha kubada cagta ee gabdhaha ayaa noqdey kuwo aad loo daawado iyadoo telefishanka aduunka qaarkood si oosa u soo daayaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM