Koox is urursatey oo qaabkale ku galaysa shir la sheegay in uu ka dhacasyo Istanbul ayaa baryahan ku jirtey saxaafada maamulka Hargeysa. Shirkan ayaa lagu sheegay in uu u dhexeeyo magacyada Somaliya iyo Somaliland ayaa waxa hogaaminaya Hawiye iyo Isaaq iyadoo dadka kale yihiin maqaarsaar amaba waxba ku darsan Karin ajendaha.
Xasan Sheekh oo dhegeysta la taliyeyaasha Hawiye ayaa la sheegaya in uu iska indhatirey taladfii fiicnayd ee ahayd in dadka reer Woqooyiga ah kula garqaadanayeen kooxda sheeganasysa in ay iyagu go’een waxna ka tabanaya qabiilada kale ee Somalida.
Hadaba waxa kulamada hogaaminaya dhinaca Hawiye oo lagu sheegay Somaliya magacyadan soo socda.
HAWIYE
- Wasiirka arrimaha Gudaha, Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa (nin ku adag midnida)
- Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga Cabdillaahi Maxamed Cali Sanbalooshe
- La-Taliyaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cali “Doodisho”
- Madaxii hore ee Laanta Afsoomaaliga ee BBC, Yuusuf Garaad Cumar oo aan lahayn wax khibrada.
- Xuseen Cilmi lama yaqaan qabilkisa iyo khibrada u leyahay
- Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire
- Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Cabdi Xaashi
- La-taliyaha wasiirka arrimaha dibadda Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan
- Maxamuud Cabdi Xaamud (Maxamuud Nine, siyaasi hore xilal u soo qabtay)
- Xasan Khaliif oo ah aqoon yahan ka tegey magaalada London.
Maamulada Xamar iyo Hargeysa ee shiraya ayaan iyagu wax wara ka soo saarin wararkan la isla dhexmarayo waxayse ku tahay yaraysi u tahay dadka reer Woqooyiga ah ee uu moodaya XAsan Sheekh in uu ku dul socon karo.
Maxamed Yuusuf
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay