X

Kooxaha gaaleynta Muslimiinta ee Daacish iyo Shabaab oo hub iska furtey: SAWIRO

Kooxaha gaaleynta Muslimiinta ee Daacish iyo Shabaab oo hub iska furtey. Kooxda ugu taajirsan kooxahan ee Daacish ayaa sheegtay inay hub ka furatey kooxda kale ee Shabaab.

Argagixisada Daacish ayaa hore u sheegtay inay dagaal kula gashay argagixisada kale deegaan hoostaga Qandala halkaana ay ku dileen xubno ka tuirsan Shabaab oo farabadan.


Maanta ayay soo bandhigeen hubkii ay ku furteen dagaalkaas ka dhacay Puntland. Argagixisada Shabaab ayaa iyadu welli wax ka oranin sheegashasda Daacish.

Labadan kooxood ayaa iyaguna isku bilaabey is gaalayn marka laga yimaado Muslimiinta kale ee gaaleeyeen.


”Waxa jira in dagaalka labadan argagixiso uu u fiican yahay dawlada Somaliya waayo dhalinta la qaldey ee loo sheegay in gaaleynta Muslimiinta janno lagu galo ay arki doonaan in diinteenu ka fogtahay ayna dambi weyn ku jiraan.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.